U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Sheegay Iney Fureen Waddooyinkii Gaalkacyo Ee Ku Xirmay Dagaallada

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay iney fureen dhammaan waddooyinkii ku xirmey dagaalladii magaaladaasi ka dhacay dhammaadka sanadkii 2016.

Duqa magaaladaasi Yaasin Tumey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhankooda ay go’aan ku gaareen in aan la xayirin shacabka, islamarkaana ay dib u fureen waddo walbo oo xirneed.

Dhanka maamulka Galmudug ayuu ugu baaqey duqa Gaalkacyo ee Puntland iney furaan waddooyinka si shacabka Labada dhinac aysan ula kulmin carqalad.

Sidoo kale maamulka Gaalkacyo ee Galmudug ayuu ka dalbaday in dhankooda ay kala shaqeeya amniga guud ee Gaalkacyo iyo xasilooni waarta oo ka dhalata magaaladaasi.

Waxaa soo wanaagsanaanaya xiriirka maamullada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, wixii ka dambeeyay xalinta dagaallo ka dhacay magaaladaasi.

Goobjoog News