U bood dhigaalka

Maamulka Shabeellada Dhexe Oo Ka Hadlay Isbaarooyinka War-sheekh iyo Ceel-macaan

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Shabeellada dhex ayaa tagay degmooyin ka tirsan gobolkaasi  si ay u soo arkaan jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan.

Socdaalkan ay mas’uuliyiinta gobolka shabeellada dhexe ay ugu amba baxeen degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa u jeedkiisa lagu sheegay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda ammaan ee ka jirta degmada War-sheekh iyo deegaanka Ceel-macaan.

Mas’uuliyiinta halkaasi aaday ayaa waxaa hor-kacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Axmed Makaraan,  waxaana ku wehlinaya qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladdaFedaraalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa waxay doonayaa ina ka qaadaan jidgooyooyinka yaalla wadada xiriirisa War-sheekh iyo Ceel-macaan. Dadka ku socdaala wadadaan ayaa waxay cabasho ka muujinayeen maalmihii dambe in isbaarooyinkaani ay kala kulmaan dhibaatooyin waa weyn .

Maamulka sh/dhexe ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay dadaallo ay ku doonayaan inay isku furan wadooyinka xiriiriya degmooyinka gobolka sh/dhexe, waxayna hoosta ka xariiqeen inay u kuur gali doonaan xaaladda War-sheekh iyo Ceel-macaan, halkaasi oo ay ka soo cusboonaatay jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada