U bood dhigaalka

Maamulka Shabellaha Dhexe Oo Wadahadalsiinaya Beello Ku Dagaallamay Degmada Cadalle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu wada hadal u furayaa Labo beel oo dhowaan ku dagaallamay degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka degmada Cadalle,  Cali Cabdulle Caddow oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulka gobolka Shabellaha Dhexe uu maanta si hordhac ah isku hor fariisinayo beelihii ku dagaallamay gobolkaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in degmada Cadalle uu ku sugan yahay guddoomiyaha gobolka Shabellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan (Faal) kaasi oo la kulmay dhammaan dhinacyadii ku dagaallamay degmadaasi.

“Rajo aad u wanaagsan ayaa jirta, waxaa la heshiisiinayaa beelihii ku dagaallamay degmada Cadlle, guddoomiyaha gobolka iyo wafdi Odoyaal ah oo isaga la socda ayaa ku sugan degmada, waxaana maanta bilaaban doona wada hadallada” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale, mudane Cali Cabdulle ayaa sheegay in la kala qaaday dhammaan maleeshiyaadkii ku dagaallamay degmada, islamarkaana hadda kaliya la doonayo in ay wada hadlaan beelihii dagaallamay.

Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa baaq nabadeed oo isku mid ah waxay horey ugu direen beelaha walaalaha ee ku dagaallamay degmada Cadaado ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News