U bood dhigaalka

Maamulka Sh/dhexe Oo Sheegay Iney Qabteen Shaqsi Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen shaqsi la sheegay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka oo sameynayey howlgal roondo ah ay kusoo qabteen ninkaan isaga oo meel jiifa.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in markii ay baaritaanno degdeg ah sameeyeen la ogaaday in ninkaasi uu ka tirsan yahay Al-shabaab, haatanna ay baaritaanno dheeraad ah ku hayaan.

“Ciidamo aan dirnay ayaa waxay soo qabteen nin aan warbixintiisa ku helnay inuu Al-shabaab kamid yahay, markii raadkiisa la raacay waa la aqoonsaday, baaritaan ayaana weli ku socda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Axmed Faal ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojiyeen howlgallada ay ka wadaan gobolka Shabellaha Dhexe si ay uga hortagaan falalka amni darri.

Goobjoog News