U bood dhigaalka

Maamulka Sh/dhexe Oo Xalliyey Xiisad u Dhaxeysay Beello Walaalo Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay iney xalliyeen xiisad u dhaxeysay beello walaalo ah, taasi oo maalmihii ugu dambeysay ka taagneyd deegaanka Cumar Meyre oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in isaga iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen xalinta xiisaddan.

Wuxuu sheegay waxgaradka Labada dhinac ay ku kulmeen degmada Cadalle, islamarkaana laga dhaadhiciyey iney wadahadal ku bedalaan wax walbo oo dhexmaray.

“Colaadda ayaan kusoo baxnay, meel wanaagsan ayaan gaarsiinnay, waxgaradkii Labada dhinac waan la hadalnay, waxaan xallinnay xiisaddii jirtay, waxaana sidoo kale waxgaradka ugu yeernay gogol nabadeed oo aan ka fureyno degmada Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhowaan Laba beel oo walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanka Cumar Meyre ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare kala duwan.

Goobjoog News