U bood dhigaalka

Maamulka Sh/hoose: Dowladda Dhexe Iyo K/galbeed Waxbo Kama Qaban Amniga Gobolka

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka K/galbeed in aysan xoogga saarin wax ka qabashada amniga guud ee gobolkaasi iyo sidoo kale dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka Shabellaha Hoose Cali Nuur oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobolkaasi ay hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah, meelaha qaarna ay adag tahay in gurmad laga sameeyo.

Waxa uu sheegay sidoo kale guddoomiye ku xigeenka in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM kaliya ay qaadaan weeraro, ay la wareegaan deegaanno gobolka ah balse ay dib uga soo laabtaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaad moodaa in gobolkaan aad ugu sii nugul yahay arrimaha oo aan waxbo laga qaban, howlihii amni ee dowladda dhexe laga rabay waxaad moodaa inaanu waxbo ka jirin, K/galbeedna tabarteeda waan ognahay, in xagjirka laga saaro meelaha ay gobolka ka haystaan waxbo kama suuragelin, wax ka badan in deegaanno la weeraro lagana soo noqdo ka badan ma jirto, xaaladda dadka shacabka ah ee Sh/hoose aad bay u adag tahay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Shabellaha Hoose.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay shalay la wareegeen deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose, balse saacad kadib ay dib uga soo baxeen deegaankaasi.

Goobjoog News