U bood dhigaalka

Macallimiinta Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaya Dhaqaale Darro Iyo Manhaj La’aan

Sheeko:Qormooyin

Sanad walba waxaa dunida la xusaa maalinta macalimiinta iyadoo loo asteeyay maalin u gooni ah macalinka, Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada aad looga xuso maalinta macalinka, lagana sheekeeyo dhibaatooyin heysta macalinka, ardeyga iyo manhajka.

Xuska maalinta macalinka iyo daryeel la’aanta heysata  barayaasha Soomaaliyeed ee iyagu dhexda u guntaday iney jahliga kasaaraan ubadka Soomaaliyeed ayaa waxaa heysto dhibaato, macalinka ayaa ah shey aan laga maarmi Karin bulshadana ku dhex leh qiimo iyo  maamuusa  weyn iyodoo ka dhigantahy haduusan jirin macalin horumar ma jiro taasi iydoo jirto ayaa hadana barayaasha Soomaaliyeed waxay ku dhexshaqeeyaan daruufo badan oo aad u liito iydoo lasiin waxa uu mudnaa macalinka Soomaaliyeed .

Hadaba qaar ka mid barayaasha Soomaaliyeed oo ku dhaqan  magaalada Mugadishu oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxay ka hadleen dhibaatooyinka haysta macalinka iyo iyadu qudheedu dadka ay ushaqeeyaan oo aan macalimiinta siinin waxay mudnaayeen iyo in hoos loo riday  macalinka qiimahiisa.

Cabdi Ladiif Maxamed Ibraahim waa maclin waxaa uu bare ka yahay dugsiga Sooyaal ee magaalada Mugadishu waxa uu ka war bixinayaa xaladaha ay ku noolyihiin macalimiinta Soomaaliyeed waxa uuna yiri.

“Waan soo dhaweyneynaa xuska todobaadka macalinka iydoo macalimiinta dunida aysan isku duruuf ayna ku shaqeynin ayna ku kala duwanyihiin nolosha waxayna mudantay in macalimiinta Soomaaliyeed ay hiigsadaan halka ay marayaan maanta macalimiinta dunida”

Ustaad  Cabdi Ladiif ayaa sidoo kale waxa uu carab baabaday daruufaha ba’an ay ku shaqeeyaan barayaasha Soomaaliyeed isgoo sheegay daruufaha heysta macalimiinta ay kukala duwanyihiin isagoo hadalkiisa siiwata ayuu waxuu yiri

“ Caqabado aad ubadan ayaa jira marka loo eego daruufaha ay ku shaqeeyaan  macalimiinta Soomaaliyeed mahan duruuftii loogu talo galay in macalin uu ku shaqeeyo”

Marka loo eego xirfadda macalinmada ayaa waxaa jira dad aad ufara badan oo ka shaqeeya dhica macalinmada iyagoona ka soobxin kulyadihii waxbarashada  ama aan soo qaadan wax ku saabsan tobobar macalinmo taas waxay hoos u dhigee darajada macilnimada waxaana ka soo baxayo waxbaro aan tayo wanaagsan laheyn.

Isagoo arrintaas ka hadlaayo waxaa uu yiri “way jiraan macalimiin badan oo dhiga maadooyin aysan taqasus ulaheyn taasi waxy keeneysaa in ay soobaxaan arday aan talo laheyn milkiiliyaasha iskuulada waxay fiirinayaan qarash yarimada maclinka uu ku dhigayo maadada waxayna keentay inay qaataan dad aan ehel u aheyn macalinmo”

Dhanka kale waxaa la hadaly Goobjoog News Ustaad Maxmed Aadam Axmed oo isaga bare ka ah skuulka Miima ee kuyaalo magaalada Mugadishu waxa uuna dhigaa madaada afka carabiga waxa uu ka hadalay sida ay ku shaqeeyaan barayasha Soomaaliyeed , baahiyah ay qabaan macalimiinta Soomaaliyeed waxaa keenay daruufaha uu ku jiro dalka.

Ustaad Maxamed Aadam ayaa sheegay in ka mid yihiin daruufaha ay ku shaqeeyaan macalimiinta Soomaaliyeed inaan lasiinin macalinka mushaar ku filan oo dabooli karo baahida macalinka isgoo ugu baaqay dadka loo shaqeynaayo inay ka taxadraan macalimiinta Soomaaliyeed oo iyagu ah indhaha bulshada, waxaa heysta macaliminta Soomaliyeed daruufo iskugu jiro kuwa dhaqaalo xumo iyo ammni darro.

Sidoo kale Maxmed Aadan ayaa ugu baaqay dowladda fadaraalka Soomaliya iney tayayso dhanka waxbarashada oo ay adada Soomaaliyeed ay usameyso manhaj tayeysan oo wax ku  ool ah si ay ardada soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho tayeysan .

Macalinka ayaa ah indhaha koowaad ee bulshada isaga oo bulashada ku haga dhinacyada wangsan waxa uu ladagaalamaa macalnka jahliga macalimiinta soomaaliyeed waxay dadaal ufan ugu jiran sida ay wax ubari lahaayeen ubadka soomaaliyeed.

Goobjoog News