U bood dhigaalka

Macallimiinta Jaamacadda Umadda Oo Shaqo Joojin Sameeyay, Mushaar La’aan Awgeed

Sheeko:Dalka

Macallimiinta Jaamacadda umadda ayaa dibabax cabasho ah waxay kahor dhigeen xarunta Jaamacaddaasi, kadib markii ay sheegeen in muddo aanay wax mushaar ah qaadan.

Waxay macallimiintaan sheegeen ineysan wax mushaar ah qaadan muddo ka badan 5 bil, islamarkaana aanay jirin cid cabashadooda wax ka qabatay.

Qaarkood macallimiinta shaqo joojinta sameeyay ayaa u sheegay Goobjoog news, in marnaba aanay bixin doonin cashirada Jaamacadda inta arrintooda xal looga keenayo.

Dowladda Federaalka ayaan weli jawaab ka bixin cabashada Macallimiinta Jaamacadda Umadda, iyadoo dhanka kalena maamulka Jaamacaddaasi ka gaabsaday faah faahinta waxa jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News