U bood dhigaalka

Madasha Hoggaanka Qaran Oo Go’aan Ka Gaartey Kuraastii La Laalay Ee Aqalka Hoose

Sheeko:Baarlamaanka

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa go’aan kasoo saartey 11 kursi aqalka hoose oo muran uu ka taagnaa, kuwaasi oo dhowaan ay laaleen guddiga xallinta khilaafaadka.

Waxaa la fasaxay 6 kursi, halka 5 kursina la go’aamiyey in doorashadooda dib loogu laabto.

War-saxaafadeed MHQ soo saartey ayaa sidan u qoran:

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka. Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016. Ujeedada kulankan ayaa ahaa go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta Qaranka ee 2016ka.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)

▪ Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016
▪ Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada kuraasta muranka galey
▪ Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD.

Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay
a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:
1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan
2) HW/0055/GM Murusade
3) HW/0094/JL Gaaljecel
4) DM/0156/KG Macallin Wayne
5) HW/0208/HSH Jidle

b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer Dawlado Goboleed;

c. 7da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, Waxaana la farayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Fderaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.

d. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.

————————————DHAMMAAD—————-—————–