U bood dhigaalka

Madaxda Galmudug Oo Loogu Baaqay In Ay Ka Dhabeeyaan Heshiiska

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Ciise Saciid Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ay gaareen uu ahaa mid ay ku heshiiyeen  labo qolo oo siyaasadda isku heysay oo kaliya ay heshiiyeen, oo loo baahan yahay heshiis bulsho.

Ciise Saciid, wuxuu ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda dhabta ah ee gobolka Galgaduud oo aysan noqon sida loo malaynayo hadda oo ah inay dantooda keliya fiirsanayaan, wuxuuna soo jeediyay in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Galmudug lagu tixgeliyo aragtidooda.

Siyaasiga oo horay uga mid ahaa musharrixiintii xilka madaxtinimada u tartamay febraayo sanadkani 2017, ayaa sheegay in gobolka Galgaduud uu u baahan yahay in siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dadka maamulka Galmudug ku shaqada leh ay heshiis dhab ah gaaraan.

“Heshiiska waxaa ka wnaagsan wax la arko heshiiska waxaa uu u muuqdaa inuusan qaadan mid dowladnimo waxaa la dhihi karaa heshiiskaas waxaa uu dhexmaray labo qolo siyaasadeed ee ma jirto heshiis ka dhex dhacay dadka degan galmudug oo dhan”.

Hadalka Ciise Saciid ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maamulka Galmudug iyo ahlu suuna uu heshiis ku dhexmaray maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Goobjoog News