U bood dhigaalka

Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshado Ka Dhacay Hargeysa Iyo Burco

Sheeko:Dalka

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa sheegay in 3 ruux iyo 19 askari ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi

Wasiir Xaashi ayaa yidhi; “Xoggaha aanu hayno rabshadaha ka dhacay caasimadda qaybo kamid ah iyo magaalada Burco qayb kamid ah illaa hadda waxa ku qudh waayay ama ku geeriyooday 3 qof oo rayid ah waxa ku dhaawacmay 19 kamid ah ciidamada qaranka ee amniga ka shaqaynayay dhaawacyadoodu kala duwan yihiin oo badankoodu u badan yihiin dhaggax ama aan idhaahdee illaa 18 askari waxa lagu dhaawacay dhaggaxaan lala beegsamay nin sarkaal ah daankaa la jabiyay mid kale madaxaa laga jabiyay waxa jira hal askari oo isaga xabbad lagu soo toogtay oo aqal laga soo toogtay oo addinka kaga dhacday xabbaddaasi”

Ugu dambeyntii, magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa waxa 16kii bishan ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaasi oo ay dhigayeen dad taageersan xisbiga Waddani oo ka cawday in lagu shubtay doorashada deegaanada qaar.

Goobjoog News