U bood dhigaalka

Madaxweynah Falastiin Oo Ku Wajahan Magaalada Washington Ee Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas inuu  soo booqdo magaalada Washington sida ugu dhaqsiyaha badan.

U yeeristaan ayaa waxay timid ka dib markii Labada mas’uul ay kuwada hadleen qadka taleefoonka, waana xiriirkii ugu horreeyay oo dhexmara Labadooda tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa horey u marti qaaday ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu bishii la soo dhaafay, waxaana ay ka wada hadleen labada mas’uul sidii xal loogu heli lahaa loolanada iyo dhibaatooyinka ka jira bariga dhexe.

Kulanka Donald  Trump uu la qaatay ra’iisulwasaaraha Israel ayaa waxa uu walwal siyaasadeed uu ku  abuuray reer Falastiin iyagoo ku eedeeyay inuu xoogestay xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Israel marka uu xilka uu la wareegay Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa waxa uu doonayaa inuu kala hadlo Maxamuud Cabaas oo ah madaxweynaha Falastiin sidii loo soo celin lahaa wadahadalladii ka dhaxeeyay Falastiin iyo Israel,isagoo sheegay in wadahadlladaas lagu dhameeyo si nabadgalyo ah.

Maxamuud cabaas ayaa asna dhankiisa waxa uu kala hadli doonaa Donald Trump sidii loo joojin lahaa deegaameynta ay Israel ay ka wado dhulka reer Falastiin iyo inay muhiim tahay in labada dhinac ay gaaraan xal waara.

Bishii Abriil ee sanadkii 2014kii ayay ahayd markii ay si toos ah ay u istaageen wadahadalladii u dhaxeeyay Israel iyo Falastiin, wadahadalladaas uu garwadeyn ka ahaa Maraykanka.

W/Q: Jaamac Shidane

Goobjoog News