U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe Oo Sheegay In Uusan Talada Wareejineyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha  Zimbabwe Robert Mugabe  ayaa sheegay in uusan ka tageyn xilkiisa isaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay .

Mogabe oo tobanaan kun oo qof oo taageerayaashiisa ah ka hor khudbeynayay kuwaas oo is kugu soo baxay magaalada Tashiina oo ku taalo meesha uu ku dhashay Mungabi, ayaa waxaa uu cadeeyay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay, in kasta oo xaaladiisa caafimaad ay ku wareereen dhaqaatiirta iyaga oo la yaabay xoogga jirkiisa.

Mugabe ayaa saddex jeer u safray dalka Singapore, iyaga oo mas’uuliyiinta ay ku tilmaameen in uu la socosho la sameynayo xaaladdiisa caafimaad.

Xisbiga talada haya ayaa waxay ku kala qeybsameyn cidda badaleyso Mogabe, iyaga oo arrintaas labo qeybood ku kala aragti duwanaadeen.

Roberta ayaa talada Simbaawi waxaa uu qabtay sanadkii 1980 ka dib markii ay xornimada ay ka qaadatay dalka Uk, waxayna muwaadiniinta dalkaasi mar walba ay la socdaan xaaladdiisa caafimaad.

Goobjoog News.