U bood dhigaalka

Madaxweynaha Djibouti Oo Sheegaya In Dekadda Berbera Aaney La Tartami Karin Tan Djabuti, Suuqna Aan Loo heyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dalka Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi dheer siiyay TesfaNews ayaa uga hadlay arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah.

Madaxweyne Geelle mar uu ka hadlayey arrimaha Soomaaliya waxaa uu ammaanay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo sheegay in uu ku yimid doorasho loo wada riyaaqay, isla markaana aaney ku adeegan karin wadamada dariska sida Itoobiya.

Su’aalaha la weydiiyay waxaa ugu muhiimsanaa labo su’aal uu ku saabsanaa dekadda Berbera.

Su’aal: Waa jira dagaal kale oo xagga ganacsiga ah, dagaalka ay Imaaraadka ku hayaan dekadda Djabuti, Imaaraadka waxaa ay joogaan casab oo Eretria ah, Berbera oo Somaliland ah, waxaa kaloo ay doonayaan Cadan oo Yemen ah, waa in Jaamka ana ziyaado idiinka qaataan, Arrintaas Khatar ma idiin ku tahay?

Geelle: Waxba nagama baxsan, xaaladda waa mid degan, si dekadda Berbera ay u qabsadaan suuqa Itoobiya waa in dib loo dhisaa waddo dhererkeedu yahay 280 KM taas oo dekadda ku xirta xadka Itoobiya, hal milyan iyo bar ayaa ku baxaya halkii KM iyo in ka badan 400 Mliyan..Yaa dhiibaya?  Waxaa intaa dheer dhulka, qalabka ay maraakiibta waaweyn ku soo xiran karaa waxaa ay Berbera u jirtaa 12 KM halka Djabuti ay Djabuti ay toos tahay, waxyaabo badan ayaa noo hiillinaya.

Su’aal: Howl-galka Berbera lagula wareegay, dad ayaa ka dhex arka, in uu gacan leeyahay ganacsadaha Djaboutiyaanka iyo Faransiika ah ee  Cabdiraxmaan Boreh oo la taliyehaada ahaa inta aadan isku dhicin, lana og yahay in uu u dhaw yahay Imaaraadka?

Geelle: Kaalin waa ku lahaa arrinkaas, laakin waa ceyriyeen mar hore.

Goobjoo News