U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble Oo Shaqada Laga Eryay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta shaqada ka eryay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Kulan ay shir guddoomineysay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee maamulka Marwo Canab Axmed Ciise ayaa waxaa soo xaadiray 76 Xildhibaan, waxaana la bilaabay codeynta mooshinka kalsoonida lagala noqonayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Codeyntii dhacday, 68 Xildhibaan ayaa ogolaaday in kalsoonida lagala noqdo madaxweyne Cosoble, 6 Xildhibaan ayaa ka aamusay halka 2 Xildhibaan ay iska diideen.

Marwo Canad oo ku dhawaaqdey natiijada ayaa sidoo kale sheegtay in xilka madaxweynaha uu si KMG ah u sii heynayo Cali Cabdullahi Xuseen Guud-laawe oo horay Cosoble uga ahaa ku xigeen.

Cali Cosoble, waxaa madaxweynaha Hirshabeelle loo doortay  October 17, waxaa uu helay codad gaaraya 61 halka ninka la tartamay ee Maxamed Cabdi uu helay  36 cod.

Goobjoog News