U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Maamulka gobolka Hiiraan, kan magaalada B/weyne, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab badan ayaa madaxweyne Waare kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee B/weyne.

Inta uu madaxweynaha Hirshabelle ku sugan yahay B/weyne wuxuu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu wadatashi la sameyn doono.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Hirshabelle ku yimaado magaalada B/weyne tan iyo intii xilkaan loo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News