U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Maanta La Dooranayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ay doortaan madaxweynaha maamulkaasi, kadib xil ka qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaa laga dareemayaa magaalada Jowhar qabanqaabada guud ee doorashada madxweynaha Hirshabelle, iyadoo saacado kadib ay doorashada bilaaban doonto.

Waxaa Jowhar ku sugan xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo u badan wasiiro iyo sidoo kale xubno ma talaya beesha caalamka, waxayna goob joog ka noqon doonaan arrimaha doorashada.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaan amniga sugaya ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Illaa Sideed musharrax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News