U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Masar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qarax Jimcihii shalay ka dhacay masjid ku yaalla dalka Masar, kaasi oo ay ku dhinteen 235 qof.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.                                     .

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Rag looga shakiyay iney maleeshiyo yihiin ayaa weerar Bam iyo sidoo kale rasaas toos ah waxay ku qaadeen Masjidka Rowda ee ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay  ee dalka Masar.

Goobjoog News