U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Ku Wajahan Gaalkacyo Iyo Ammaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxmed Farmajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu safar dhanka lugta ah ku tago magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ammaanka guud ee magaaladaasi aad ayaa loo adkeeyay, waxaana sidoo kale magaalada laga daremayaa diyaar garowga ay shacabka ugu jiraan soo dhoweynta madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa fagaare kula hadli doona shacabka Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Waxaa la filayaa sidoo kale in madaxweyne Farmaajo ay Gaalkacyo uga bilaabato safar dhanka lugta ah oo uu ku tagi doono deegaanno ka tirsan Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News