U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo La Kulmay Madaxda Dalalka Islaamka Qaarkood

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda islaamka iyo Maraykanka ,kaas looga hadlay sidii wadamada islaamka ay ugu midoobi lahaayeen la dagaalanka daacish iyo arimo kale.

Kulamada qaar ayaa si gaar ah waxa uu madaxweynaha ugala hadlay qaar kamid ah dalalka daneeya Soomaaliya sidii ay Soomaaliya arrimo badan uga caawin lahaayeen.

Dhanka kale, Donal  Trump,  Madaxweynaha Maraykanka oo kulankaa ka hadlay ayaa ku eedeeyay dawlada Iran amni darada ka jirta gobolka iyadoo dowlada Iran ay ka mid tahay wadamo Islaam ah oo muwaadiniintooda laga mamnuucay dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa  ugu baaqay dalalka Islaamka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish, isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carab iyo Muslim ee ka qayb galaya kulanka ka dhacaya magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”

Shirka madaxweynaha Mareykanka iyo madaxda dalalka Islaamka ee ka dhacay Riyadh ayaa ahaa mid waxyaabo badan lagu falanqeeyay, waana shir uu Marayka uu ku doonayo inuu ku wanaajiyo xiriirka uu la leeyahay dalalkaasi.

Goobjoog News