U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda UK

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ka dhacay xafiiska madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa looga hadlay arrimo badan oo Labada dal ku saabsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo xoghaye Johnson, waxay ka wada hadleen arrimo ku aadan xoojinta xiriirka Labada, abaarta ka jirta dalka, dardargelintaa taageerada ingiriiska uu siiyo dowladda Soomaaliya, xoojinta dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena dowladda UK ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha hey’adaha dowliga ah.

Intii uu kulankaan socdey waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaadey shirka bisha May ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasi oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka kadib sheegay in wada hadalkii uu la yeeshay Boris Johnson, Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Ingariiska uu ahaa mid taariikhi ah, ayna ka wada hadleen arrimaha aynu kor kusoo sheegnay.

Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa u muujiyey madaxweynaha sida dowladdiisa diyaar ugu tahay iney wax badan ka qabato xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii loo soo horumarin lahaa xiriirka Labada dal, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska  dalka.

Xoghayaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay 10 Milyan oo Bound ugu talogashay abaaraha ka jira Soomaaliya si dadka dhibaateysan loogu caawiyo.

Boris Johnson ayaa safar aan horey loo soo shaacin maanta oo Arbaco ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxayna tani ka dhigan tahay tallaabada ay dowladda Ingiriiska ku dooneyso iney ku xoojiso xiriirka Labada dal.

Goobjoog News

004 003 002 001