U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In Shacabka La Xisaabtami Doonaan Wasiirada Maamulkiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la xisaabtan dhab ah ay shacabka la geli doonaan dhammaan wasiirada maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in ay qorsheynayeen in bishii tagtay ee Febraayo, la xisaabtan lala sameeyo dhammaan wasiirada maamulkiisa, balse shaqooyin isaga uu u joogo Boosaaso ay arrintaasi dib ugu dhacday.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Gaas in wasaarad walbo la weydiin doono wixii u qabsoomay sanadkii tagey, shacabkuna ay weydiin doonaan wasiirka haddii ay jiraan waxyaabo looga fadhiyey inuu qabto oo uu ku fashilmay.

“Wasiirada in lala xisaabtamo oo bulshada la horkeeno waa qasab, waxay ahayd iney shacabka hortagaan oo la weydiiyo wixii u qabsoomay iyo wixii aysan qaban, waxay ahayd in bishii lasoo dhaafay Febraury in la xisaabtanka uu dhaco, balse waxay dib uga dhacday shaqada aan u joogo Boosaaso”

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa imaanaya xilli deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland aad looga hadal hayey in isku shaandheyn uu ku sameyn doono madaxweynaha dhammaan wasiiradiisa.

Goobjoog News