U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Sool

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa beelaha ku dagaallamaya gobolka Sool ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaallada, qeybna ka noqdaan dedaallada nabadda lagu raadinayo.

Biixi ayaa sheegay ineysan garaneyn sabab ay dagaalladan kusii socdaan, wuxuuna sheegay in cid walbo laga doonayo iney ka qeybqaadato daminta dagaalkaasi.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliand ayaa ugu baaqay waxgaradka Sool in hormuud ay u noqdaan dedaalka nabadeed ee la doonayo in lagu xalliyo dagaalladan.

“Waxaanu baaq u direynaa dadka walaalaha is dilaya, muddo ka badan 10 sano buu dagaalkaasi socdaa, dad badanbaa ku dhintey, sabab uu dagaalkaasi u socdo garan maayo, wixii Soomaali ah arrintaan wax haka qabtaan, waxa is dilaya waa dad Soomaaliyeed, Somaliland Kilinka Shanaad, marka arrintaan waa in degdeg wax looga qabto” ayuu yiri Biixi.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Goobjoog News