U bood dhigaalka

Madaxweynaha Zambia Oo Ka Dalbay Ciidamada Inay Ka Qeyb Qaataan La dagaalidda Daacuun-ka

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha Zambia Edgar Lungu ayaa soo saaray amaro ku aadan in ciidamada ay ka qeyb qaataan sidii loola dagaali lahaa cudurka safmareenka ah ee daacuun caloolaha kaasi oo ku baahay dalkaasi.

Cudurka daacuun caloolaha ayaa waxaa uu ku dilay caasimadda Zambia 41 qof, halka uu ku dhacay in ka badan 1500 oo kale bartamihii bishii Sebtember.

Cudurkaan ayaa waxaa uu faafay 28 Semtember ee sanadkii la soo dhaafay waxaa uuna ku soo noqday iska Zambia intii lagu guda jiray 20 October markaasi oo uu dilay shan qof.

Waxaa kordhay xaaladaha dadka uu ku dhacayey cudurkaan halkaasi oo ay 136 qof ugu dhimatay todobaadkii ugu dambeeyay bishii November ee tagtay sida ay sheegtay qaramada midoobay.

Cudurka daacuun calooleedka ayaa ku baahay markii ugu horreysay goobaha ay dadku ku badanyihiin sida uu sheegay afhayeen u hadlay xakuumadda.