U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Dalalka Mareykanka Iyo Ruushka Oo Isku Af Gartay In La Joojiyo Dagaalka Ka Socda Suuriya

Sheeko:Caalamka

Madaxweynayaasha labada dal ee Maraykanka iyo Ruushka ayaa waxay ku heshiiyeen in dadaallo badan lagu bixiyo sidii loo gaari lahaa xabad joojin ka dhaqan gasho waddanka Syria iyo sidii loo soo afjari lahaa guud ahaan dagaalka hareeyay waddankaasi.

Hadalkaan ka soo baxay labada madaxweyne Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa ah xiriirkii ugu horreeyay oo ay taleefoon kuwada hadlaan tan iyo markii uu Maraykanka uu duqeeyay saldhig ku yaallo waddanka Syria bil ka hor arrintaasi oo keentay in xiriirka labada dalk uu qalqal galo.

War-murtiyeed ka soo baxay aqalka cad iyo midka Ruusha ayaa waxaa lagu sheegay in wadahadaladii dhex maray labada madaxweyne in ay noqdeen kuwo wax ku ool ah oo miro dhalay.

Dhanka kale labada Madaxweyne ayaa sidoo kale waxay ka wadahadleen arimaha Kuuriyada waqooyi ee dhanka hubka Nukleerka ah  waxayna isla garteen in arrintaasi mustaqbalkeeda ay ka yeelan doonaan kulan toos ah.

Dhinaca kale war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Ruushka ayaa waxaa lagu sheegay in Donal Trump iyo Butin ay isku afgarteen sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda ka taagan Syria.

Tan iyo markii uu Maraykanka uu duqeeyay saldhig millatari oo ku yaallo Syria ayaa waxaa xumaaday xiriirka diplomaasi ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Ruusha balse hadda waxaa la moodaa inuu dib u soo laabanayo xiriirkaas.

Goobjoog News