U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Mareykanka Waxay Xirtaan Qoorxir Buluug ah ama Casaan ah, Wax ka ogow, Sirta Labadaa Midab Ay Ku Xushaan

Sheeko:War

Dunida Siyaasadda iyo ganacsiga ee heerka sare, waxaa jira Labo midab oo ka mid ah Neckties-ka qoorxirka ah oo si aad ah loo adeegsado, waa midabada casaanka iyo Bluugga, waxaa suurtogal ah inaad aragto midabbo kale, laakiin ogow , kuwaa kale caado dadku u badan yahay maaha, xirashada midabada kalena waxaa lagu tiriyaa iney yihiin dayac.

Ma jiro hoggaamiye ama nin madax ah oo doonaya in loo arko goonni u socod, laakiin waxaa is weydiin leh  muhiimad noocee ah ayay leedahay inaad xirato Neckties casaan ah amaba buluug ah?

Hadaba, si aan waxbadan uga ogaanno arrintan waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin uu ka diyaariyay mawduucan wargeyska la yiraahdo  Live Science oo cilmibaaris ka sameeyay iskuna howlay.

Midabada Qaar

Khudbaddii ugu horreysay ee uu ka jeediyo kulanka wadajirka ah ee Congress-ka Mareykanka ee 28 Febraayo, madaxweyna Donald Trump waxa uu soo xirtay Nakatin leh xariiqmo buluug iyo caddaan isku jira ah, waxaa gadaal ka fadhiyay madaxweynaha madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence iyo Paul Ryan guddoomiyaha golaha wakiillada Mareykanka, Labadooduba waxay xirnaayeen Nakatinno buluug ah.

Maalintiii caleemosaarka madaxweyne Trump waxa uu watay Nakatin casaan ah iyo dhar madow, halka madaxweynaha xilka wareejiyay ee Obama uu watay qoorxir buluug ah, Labadaa madaxweyne xaasaskoodu waxay xirnaayeen dhar caksi ku ah kan ay xirnaayeen madaxweynayaasha, Michelle Obama waxay soo xiratay cambuur casaan ah halka Melania Trump ay soo qaadatay dhar buluug ah.

Dooddii madaxtinimada Mareykanka ee ugu horreysay sanadkii 2016, Donald Trump waxa uu soo qaatay qoor xir Buluug ah, halka murashaxii xisbiga dimuqraadiga ee Hillary Clinton ay soo qaadatay joog  cas oo kuul ah, xilligaa olalaha doorashada waxaa dhici karta in xisbiga dimuqraadigu uu isku raacsanaa qaadashada qoorxirka casaanka ah, Senator Tim Kaine waxa uu adeegsaday qorxir casaan ah doodiisii ugu horreysa ee 4 October.

11 maalmood ee ugu horreysay kadib markii Obama uu noqday madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku labistay qoor xir leh mudabada casaanka ama buluugga ah, sida Daily News uu u sheegay Joe Dziemianowicz.

Tifaftiraha dhanka dharka ee jariidada “Esquire” Wendell Brown ayaa yiri, “Obama waxa uu matalayay siyaasad ka duwan kuwii ka horreeyay, hadana waxa uu ku labista wixii siyaasiyiintii ka horreeyay caado u ahayd”, waxa uu intaa sii raaciyay “Washington waa meel layaab leh, marka xaaladdu ay taagan tahay Labis, waxa un xoogga la saaraa wixii horey loo qabatimay”.

Maalintii caleemosaarka madaxweyne ee sanadkii 2009, madaxweyne Obama iyo ku xigeenkiisa Joe Biden dhar isku eeg ayay soo qaateen, Lisa Aarazare oo ka tirsan joornaalka The Star-Ledger ee ka soo baxay New Jersey ayaa tiri; “Xaflada caleemosaarka, waxay soo qaateen labadooduba jakeedyo midabka cawlaanka ah oo tiq ah iyo saraawiil caddaan ah, waxayna wateen qoorxir buluug ah ama casaan ah, markii Obama uu qoorxir buluug ah soo qaatay Isniinta , Biden isna Talaadadii ayuu soo qaatay qorxir buluug ah, waxaanad moodaysey iney iska ilaalinayeen iney marqura soo wadaqaataan qoorxir isku midab ah”.

Doorashada Labadan Midab Maxay Salka Ku Haysaa?

Xiriirka midaba buluug iyo casaanka waxay waa mid soo  jireen ah oo muddo aad u dheer soo jiray, Buluugga waxa xilliyada qaar uu astaan u ahaa qolooyin sheegan jiray ” dhiigga buluugga ah” oo ahaa dabaqadda heerka sare ee Britain, halka casaankuna uu astaan u ahaa dhiigga dadka waardiyaha u ahaa.

Dhanka kale, midabka casaanka ah ayaa xiriir la leh Jacaylka, waxaana jira in cilmi arrintaa taageerayo, cilmibaaris la sameeyay sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in dumarka ku labista midabka casaanka ah ay aad uga soo jiidasho bateen kuwa kale ee asaagood ah ee dharka kale xiran.

-Culumada cilmi nafsiga ayaa iyaguna waxay aaminsan yihiin in midabada casaanka iyo buluuggu ay hagaajiyaan howlaha madaskaxda iyo iney kaftanka ogoleysiiyaan qofka, waxaana sidaa lagu sheegay cilmibaaris la sameeyay sanadkii 2009 oo jaraa’idka Science ay sameysay.

Cilmibaaristaasi waxa kale oo lagu ogaaday in midabka casaanka ah uu kor u qaado kuna dhiirigeliyo qofka inuu wax kasta si mug hoose ah u ogaado oo uu u baaro, halka midabka buluuguna uu qofka ku kaalmeeyo inuu si wanaagsan oo akhlaaqi ku jirto u fakaro, iyadoo kolba xirashada midabka ay ku xiran tahay xaaladda qofka uu ku sugan yahay.

Qiimaha midabka Buluugga ah?

Madaxa daraasadda midabadda ee sanadkii 2009  ee uu sameeyay joornaalka Science oo la yiraahdo Juliet Zhu oo ka tirsan jaamacadda University of British Columbia ayaa tiri: “Marka aad eegto xiriirka midabka buluugga ah uu la leeyahay samada amaba badaha, waxaad arkaysaa in dadka intooda badani midabka buluugga ah uu uga dhigan yahay furfurnaan, daganaanshiyo iyo xasillooni, waa midab dadku ay ku dareemaan nabadgalyo, waana bidab dadka jecel ay u janjeeraan dhanka akhlaaqda isla markaana ay noqodaan kuwo hal-abuur leh, layaabna malah in dadka intooda badani ay jecelyihiin midabka buluugga ah”.

Goobjoog News