U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubbaland Oo Lagu Soo Dhoweeyay Cadaado

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi ay gaareen madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo si weyn loo soo dhoweeyay.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Cadaado u tagay sidii ay uga qeybgeli lahaayeen munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmuydug ayaa Labada madaxweyne kusoo dhoweeyay garoonka Cadaado, waxaana la geeyay halka loo qorsheeyay iney kusii nastaan.

Maanta Cadaado waxaa tagaya mas’uuliyiin badan, iyadoo la filayo in madaxweyne Farmaajo uu isna ka qeybgalo Caleema saarkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News