U bood dhigaalka

Madaxweyne Famaajo Oo Sheegay Iney Soo Celinayaan Wadahadalkii Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay iney dib usoo celiso wadahadalladii Somaliland si loo helo Soomaaliya oo mar kale mid ah.

Farmaajo oo hadal ka jeedinayey munaasabadda 1-da Luulyo ee xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aanay kala maarmin, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo celin doono wadahadalkii u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Somaliland.

“Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee xilligii rayidka Maxamed Xaaji Cigaal oo hadalladii ugu dambeeyay ee uu yiri kana mid ahayd, Soomaaliya kalama maaranto mar ay tahayna wey isku imaan, rajadaasi iyo hankaasi waa inaan ka dhabeyno, walaalaheen Somaliland waxaan u sheegeynaa dhallinyaradooda, dumarkooda, culimadooda uqaashooda, waxaan u sheegeynaa kalama maaranno waan isku imaaneynaa, waxaa ballan inaga ah inaan soo celinno wadahadalladii si umadda Soomaaliyeed u midowdo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadala Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli hakad uu ku jiro wadahadalkii u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay iney tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale, balse ma jirto dowlad ay aqoonsi ka heleen.

Goobjoog News