U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaaajo Oo Maanta La Wareegaya Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in maanta oo Khamiis ah uu xilka kala wareego Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo munaasabadda xil wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka gala xarunta Villa Soomaaliya ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadda ay bilaaban doontaa goor dhow.

Munaasabadda Caleema saarka madaxweyne Farmaajo ayaa iyana lagu balansan yahay iney dhacdo 22-ka bishan, iyadoo la filayo iney kasoo qeybgalaan madax badan oo lagu casuumayo.

Doorasho madaxweyne oo 8-dii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News