U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “10 Beri Gudahooda Waxaa Imaan Doona Ku Dhowaad 100 Qof Oo Laga Soo Daayay Xabsiyada India”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo ayaa sheegay in 10 maalin gudahood ay magaalada Muqdisho soo gari doonaan ku dhowaad 100 maxaabiis oo muddo badan ku xirnaa dalka India.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in hadda qaarkood dadkaasi lagu guuleysytay in laga soo saaro xabsiga oo la dejiyo Hoteello, iyaga oo sugi doona maxaabiis kale oo lasoo deynayo si isku mar loo soo qaado.

“10 beri gudaheed waxaa iman doona dad gaaraya 100 oo an soo deynay oo qaar kamid ah kasoo saarnay xabsiyadii oo Hoteello deggan oo sugaya qeybkale oo soo socota si aan dalka ugu soo qaadno” ayuu yiri madaxweynaha.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleysatay in xabsiyada laga soo daayo maxaabiis badan oo Soomaliyeed, iyadoo horey dad badan looga soo daayay Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles.

Goobjoog News