U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Aqalka Sare Oo Ka Wada Hadlaya Ansixinta Miisaaniyadda 2018

Sheeko:Baarlamaanka

Iyada oo la tixraacayo qodobka 87aad faqradiisa C oo dhigeysa in madaxweyna J.F yahay Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka ayey guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa ay kulan deg-deg ah la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyaga oo kala hadlay anisixinta miisaaniyadda 2018-ka.

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay dawco ka yihiin golaha shacabka oo miisaaniyadda 2018-ka la garab maray golaha aqalka sare, iyada oo ansixinta kadib u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aqalka sare ay xaq-u-leeyihiin in la soo mariyo miisaaniyadda iyo dhammaan sharciyada ka soo gudba golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in dhibaatada jirta ay abuureen golaha shacabka oo hor-istaag ku sameeyay in miisaaniyadda la geeyo aqalka sare  iyaga doonaya in awoodihii sharci-dejinta ee aqalka sare la wareegaan.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu heystaa saxiixa miisaaniyadda illaa December 31-deeda, si looga fogaado in ay dhacdo “Government shut-down” taas oo micnaheedu yahay in miisaaniyadda sanadka dambe gasho, oo shaqaalaha rayidka iyo ciidanka aaney mishaar heli-doonin.

Hey’adaha lacagta ayaa si gaar ah isha ugu hayo miisaaniyadda iyo muranka u dhaxeeya labada aqal, iyada oo la sheegayo in uu hadda soo wanaagsanaanayo xiriirka hey’adahaasi iyo dowladda federaalka ah.

Goobjoog News