U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo cago dhigatay diyaarad sidday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed oo ugu horreeyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wafdiga madaxweynaha kusoo dhoweeyay garoonka.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu kulan la yeesho madaxda, shacabka iyo waxgaradka maamulka K/galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News