U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Balanqaad u Sameeyay Ciidanka Asluubta

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar ayaa balaqaad u sameeyey ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay madaxweyne Farmaajo in waxbadan ay qabteen ciidamadan, islamarkaana waxa uu tilmaamay iney kusoo shaqeeyeen duruuf adag oo dhanka nolosha ah, wuxuuna sheegay in la dabooli doono baahiyaha ay qabaan ciidamadaasi.

Ugu horreyn waxa uu sheegay in ciidamada Asluubta ay si joogto ah u heli doonaan raashinkooda iyo sidoo kale mushaarkooda.

“Waxaan balanqaadayaa in qalab fiican oo horumarsan oo wax soo saarka dalka kaga qeybgashaan in sida ugu dhaqsiyaha badan qeybteenna ka qaadanno, waxaan kaloo ballanqaadayaa maadaama aad xaalad adag kusoo shaqeyseen in raashiinkiinna iyo mushaarkiina uu noqdo Joogto” ayuu yiri madaxweynaha.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa xabsiga dhexe ee dalka laga dareemayey isbedallo dhanka nolosha ah, iyadoo xabsiga laga hirgeliyey waxyaabo aaney horey u haysan jirin maxaabiista.

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo haya shaqooyin aad u adag, waxaana ay mar waliba la socdaa oo ay ilaaliyaan maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Goobjoog News