U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqanaya Dalka Qatar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu booqasho ku tago magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Mr. Farmaajo waxaa uu halkaas kula kulmi doonaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, isaga oo kala hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii Qatar ay u caawin laheyd dowladiisa cusub.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo haatan dalka ka maqan 5 maalmood, waxaa horay u tagay dalalka Sacuudiga iyo Djibouti.

Goobjoog News