U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Codsi u Diray Xildhibaannada Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka in codka kalsoonida ah ay siiyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in marka hore ay wanaagsan tahay in xukuumadda codka kalsoonida in lasiiyo kadibna la eego shaqadooda, wixii dhaliil ah ee yimaadana la sugo, kadibna lala xisaabtamo.

Madaxweynaha ayaa ka rajeeyey xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iney meelmarin doonaan golaha wasiirada cusub.

“Xubnaha baarlamaanka sharafta leh waxaan ugu baaqayaa dowladdaan anigu waan taageeray, Ra’iisul wasaarahaana soo dhisay, waa dad aqoonyahanno ah oo hufan oo aan aaminsanahay iney karti iyo khibrad u leeyihiin shaqada loo magacaabay, waxaan ka codsanayaa in aysan is hortaagin oo ay taageeraan, oo ay ansixiyaan, kadibna la xisaabtamaan, haddii marka dhaliillo ay timaado markaasi in la sugo, laakiin inaan laga hordhicin, maxaa yeelay dadkaan hadda lasoo magacaabay runtii waa dad CV-gooda la yaqaano, qaarkoodna horey usoo shaqeeyay, muhiimadduna waxay tahay in shaqada markii ay galaan lala xisaabtamo, waxaana aaminsanahay haddii uu Alle raali ka noqdo in la ansixin doono oo xildhibaannada sharafta leh ay ansixin doonaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in aaney ku qanacsaneen hannaanka loo soo magacaabay golaha wasiirada cusub, waxaana ay Ra’iisul wasaaraha ka codsadeen inuu dib u eegis ku sameeyo arrintaasi.

Goobjoog News