U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ubax-Dhigay Taallada SYL

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa  xuska 15-ka May  awgeed maanta ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo  waxaa Munaasabadda Ubax dhiga ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, , mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir  iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka.

Goobjoog News