U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Ku aaddan Ra’isul Wasaaraha u Diray Shacabka iyo Xubnaha Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa Farriin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay xulashadiisa ra’isul wasaaraha cusub qaabkii ay ku timid, astaamaha uu ku xushay, waxa uuna farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu u sheegay iney walwalka iska dhaafaan, Xasan Cali Kheyre-na uu yahay shakhsigii ku habboonaa marxaladdan hadda uu dalku marayo:

“Xasan Runtii waa nin maamul yaqaan ah, oo khibrad dheer u leh habka maamulka, khaasatan arrimaha bani’aadamka taas oo uu ka shaqeeyay muddo dheer hay’adda Xaqootiga, abaaraha iyo howlahaa caawisa, waxaa nagu soo waajahan abaaro culus, markaa waxaan is iri khibradda uu u leeyahay maamulka iyo ka soo shaqeyntiisa arrimaha bani’aadamnimada, in uu yahay wakhtiga hadda la joogo ninka ku habboon shaqadaas, sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan wadashaqeyn karto runtii, 12 sano ee ugu dambeeyay waxaa dhibaato badan u geystay dowladnimadeenna khilaafaad soo kala dhexgala madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, shacabka Soomaaliyeedna ma qaadi karaan mardambe inuu khilaaf yimaaddo, inashaa Allaah, waxaan rajeynayaa in 4sano ee soo socota aan wada dhameysanno, midda kale Xasan waxa uu macrifo la yahay dowladgoboleedyada madaxdooda iyo siyaasiyiin farabadan ee maaha nin ku cusub saaxadda siyaasadda “.

Waxa uu madaxweynuhu intaa sii raaciyay in Xasan uu kula shaqeyn doono mabaadi’da uu aaminsan yahay ee ah in ummadda amaanadeeda loo ilaaliyo:

“Xasan Cali Kheyre waxaan aaminsanahay inuu igula shaqeynayo mabaadi’dayda ay ugu horreyso ammaanada ummadda inaan u xafidno oo aan lagu tagrifalin umaddu waxa ay noo dhiibatay ama nagu aamintay iyo inuu qeyb weyn ka qaadan doono la dagaallanka musuqmaasuqa anigoo aaminsan inuu yahay shakhsi hufan.

Waxa uu xildhibaannada Baarlamaanka ugu baaqay iney si degdeg ah u ansixiyaan ra’isul wasaaraha, si ay ugu suurtogasho iney si dhakhsiyo ah ku bilaabaan howlihii dowladnimo oo in muddo ah u xayirneyd doorashooyin muddo dheer soo jiitamay:

“Waxaan ka codsanayaa golaha baarlamaanka iney si degdeg ah u ansixiyaan si howlaheenna na horyaalla u dhameystirno, kadibna aan miisaaniyadda horkeeni doonno oo aan aaminsanahay iney ka badan doonto miisaaniyadihii la yaqaannay si mushaharooyinka aan si joogto ah ugu bixinno, si daryeelka ciidamada iyo xildhibaannada sharafta leh aan kor ugu qaadno iyo inaan wakhti dambe naga khasaarin oo dowladdu u noqoto mid shaqeysa, maadaama doorasho muddo dheer ah lagu soo jiray”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khamiistii la soo dhaafay magacaabay ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo noqonaya haddii baarlamaanku ansixiyaan ra’isul wasaaraha rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mudada soo aaddan.

Goobjoog News