U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Kalfadhiga Koowaad Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow waxa uu furay Kalfadhiga Koowaad ee golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka iyo sidoo kale shaqooyinka horyaalla dowladda cusub.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo ka codsaday xildhibaannada golaha shacabka iney meelmariyaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta la horgeeyey golaha shacabka.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa isna qorshihiisa shaqo hordhigi doona xildhibaannada golaha shacabka, isaga oo sidoo kale codsan doona in codka kalsoonida ah ay siiyaan xildhibaannada.

Xildhibaannada ayaa la filayaa in codka kalsoonida ah ay u qaadaan Ra’iisul wasaare Kheyre.

Kulanka golaha shacabka waxaa shir guddoominaya guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News