U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shir Heer Sare Ah Oo Looga Hadlayo Abaaraha Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir heer sare ah oo looga hadlayo abaaraha dalka ka jira.

Shirkan uu furay madaxweyne Farmaajo waxaa ka qeybgalaya Madaxda maamul goboleedyada dalka, guddiga abaaraha, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka iyo sidoo kale beesha caalamka.

Inta uu shirkaan socdo ayaa laga yaabaa in beesha caalamka ay lacago ugu yaboohaan abaaraha dalka ka jira, iyadoo ulajeedku uu yahay  in degdeg wax looga qabto xaaladda abaarta ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee u gaar ah arrimaha abaaraha, xilli gobollo badan oo dalka ah ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News