U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Ilaa Hadda Magacaabay 3 Danjire

Sheeko:Dalka

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Goobjoog ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu si toos ah u Magacaabay saddex danjire.

Saddexda Danjire ee uu Madaxweynaha magacaabay ayaa kala ah:

1. Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga. Jaamac ayaa ah waji ku cusub siyaasadda gaar ahaan hawlaha dibloomaasiyada, wuxuuna ka tirsanaa ololihii Madaxweyne Farmaajo. Jaamac ayaa hore ugu hungoobay in uu ka mid noqdo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.

2. CabdiraxmaanYuusuf Cali Caynte ayaa loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK. Caynte waxa uu ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladii ee madaxweynaha ka ahaa mudane Xasan SheekhMaxamuud, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

3. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle). Abuukar ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN) u joogi doona Soomaaliya. Abuukar ayaa 3 biloodoo keliya ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xilligii uu Farmaajo ahaa Ra’iisal Wasaaraha dawladii Madaxweyne Shariif SheekhAxmed. Waxaa isagana lagu tiriyaa saaaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa magacaabistan u cuskaday Sharciga Arrimaha Dibadda kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda u oggolaanaya inuu si toos ah u magacaabi karo 10% danjirayaasha dalka, iyadoo inta kalena ay tahay in laga ansixiyo GolahaWasiirrada.

Sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda qodobka 11aad: Magacaabis safiir siyaasadeed(Political appointee):

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda, haddii ay jirto baahi qaran, kadib marka uu dhageysto wasiirka arrimaha dibadda waxaa uu magacaabi karaa danjire (ugu badnaan 10%) kaas oo ay laga maarmaan tahay in la buuxiyo shuruuradaha ka mid noqoshada shaqaalaha wasaaradda arrimaha debadda iyo diblomaasiyiinta debadda loo dirayo ee ku kala xusan qodobka 3aad iyo 4aad ee sharciga”.

Hadaba, marka la eego tirada kooban ee danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dibadda, waxaa muuqaneysa inuu Madaxweyne Farmaajo isticmaalay tiradii sharcigaas uu ogolaanshaha u siinayey taas oo ahayd in uu saddex danjire keliya uu toos u magacaabi karo.

Dhanka kale, marka la eego awood qaybsiga qabaa’ilka ayay magacaabista Madaxweyne Farmaajo keeni kartaa guux iyo bulaan ka yimaadda qabaa’ilka qaarkood oo aan saami ku laheyn danjirayaasha dalka.

Goobjoog News.