U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dalalka Gobolka Qaarkood

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda fedaraalka soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago dalalka Gobalka qaarrkood, si uu taageero milatari uga helo.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu booqan doono dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa qaadan doona Afar cisho, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxda dalalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku hormari doona dalka Uganda, wuxuu ku xijin doonaa Jabuuti, iyadoo uu kusoo gabagabeyn doono safarkiisa dalka Itoobiya.

 

Arrinta ugu weyn ee madaxweynaha dalalkaasi u tagayo ayaa ah sidii dalalkaan ciidamada ka jooga SOomaaliya uga qeybqaadan lahaayeen dagaal saf ballaaran ah oo Al-shabaab lagu qaado.

Weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ka dambeyso weerarkaas Al-shabaab, waxaana wixii weerarkaas ka dambeeyay madaxda dowladda sheegeen in dalka uu galayo xaalad dagaal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News