U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Galkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa xalay baryey Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyaga oo halkaasi kula kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan, kana shageystay baahidooda.

Madaxweyne Farmaajo waxaa galabta lagu wadaa in uu u kicitimmo Galkacyo halkaasi oo uga si gudbi-doono Dhuusa-mareeb iyo deegaanno kale.

Magaalada Galkacyo waxaa ay ka mid tahay goobaha ay dagaallada sokeeye uga dhacaan sida joogtada ah, waxaana la filayaa in Farmaajo uu la kulmay odoyaasha iyo bulshada labada dhinac.

Safarkan oo loogu magac-daray “Safarka Nabadda” waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha isku soo maro tan iyo markii la doortay February 8, 2017.

Weriyaha Goobjoog News ee la socda wafdiga madaxweynaha waxaa uu soo sheegayaa in safarki Dhulka ahaa ee Garoowe illaa Boosaaso ay ku arkeen sida dadka tuulooyinka jooga ugu farxeen aragtida madaxweynaha.

Goobjoog News