U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhoweeyay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waxaa madaxweyne Farmaajo wehlinayey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wasiirro iyo xildhibaanno ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Shacab aad u badan, islamarkaana u diyaar garoobay soo dhoweynta madaxweynaha ayaa magaalada banaankeeda kaga hortagay.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Boosaaso, isaga oo arrimo badan ka xog wareysan doona.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu soo gabagabeeyo booqashadiisa Boosaaso wuxuu safar dhanka lugta ah ku aadi doonaa magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News