U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Maraykanka Kala Hadli Doona Xayiraadda Lagu Soo Rogey Soomaalida

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay kala hadli doonaan xayiraadda lagu rogey dadka Soomaalida ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad u jeclaan lahaayeen iney arkaan iyadoo la qaadey xayiraaddan, balse waxa uu hoosta ka xarriiqey iney xiriir la sameyn doonaan dowladda Maraykanka.

“Waxaan jeclaan lahayn in aan aragno Xayiraaddan oo la qaaday, waa in xiyiraadda la qaado, waa in aan la xiriirno dowladda Mareykanka, sidaad wada ogtihiin, waxaa Mareykanka ku nool Jaaliyad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb weyn ka qaatay kor u kaca dhaqaalaha iyo bulshada Mareykanka, waa in aan fiirinno dadkaas Soomaalida ah waxa ay u qaban karaan bulshada ahaan, inta aan eegi laheyn dad yar oo qas wada yaal ah, sidaa darteed, waa in aan ka hadalno ammaanka gudaha oo aan wax ka qabanno halkan,  taas oo ah in aan ka adkaanno Al-shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xayiraad dhanka safarka ah kusoo rogey 6 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto, halka Cirqaad oo wadankii 7-aad ee xayiraadda lagu soo rogo ahaana uu Mr Tump dib uga laabtey.

Goobjoog News