U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Sheeko:Dalka

Xaflad ka dhacday maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia oo ay ka soo qayb galeen hey’adaha dowladda federaalka ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku saxiixay sharciga isgaarsiinta qaranka.

Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) , Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo wasiirro uu ka mid yahay wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan.

Waxaa kale oo xafladda lagu saxiixay xeerka isgaarsiinta qaranka ka soo qeyb-galay bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Sharciga waxaa horay u soo dooday isla markaana soo meer-mariyay golaha wasiirada iyo labada aqal ee baarlamaanka, Saxiixa madaxweynaha kadib waxaa xigi-doono in lagu soo daabaco faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Akhriso: Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka…Qodobbada Ugu Muhiimsan

 

Warkan oo Faah-faahsan kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News