U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo u Amba Baxay Urdun

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah ka ambaxa baxay magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda wadanka Urudun.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Urdun waxa uu uga qeybgali doonaa shirka madaxda wadamada Jaamacadda Carabta oo maalinta berri ah ka furmaya caasimadda dalkaasi.

Shirkan ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ah arrimaha Soomaaliya midda amni iyo sidoo kale abaarta ka jirta guud ahaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalkaasi kula kulmi doona qaar kamid ah madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News