U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo u Ambabaxay Uganda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda.

Waxa uu madaxweynaha kala hadli doonaa madaxda Uganda arrimo la xiriira dardargelinta dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo arrimo kale oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu kala hadli doonaa madaxda dalka Uganda dar dar gelinta howlgalada Argagixisada ka dhanka, Ciidanka Uganda Howlgalada qeyb ayey ka yihiin in doorkooda ay qaataan ayaana laga wada hadli doonaa” ayuu yiri sareeye Gaas Cabduwali Jaamac Gorod oo ah taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in sidoo kale uu safarkaan kusoo maro dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo la xiriira dagaallada ay dowladda dooneyso iney ku qaaddo Al-shabaab.

Goobjoog News