U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo, Shariif Xasan, Saraakiil Ciidan Iyo Shacab Kulan Ku Qaadanaya Afgooye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa safark dhulka ah ku tagay degmada Afgooye isaga oo ka amba baxay magaalada Muqdisho, waxaana ku wehlanay wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tagay Afgooye wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dadka mid mid uga warreystay xaaladdooda.

Hadda waxaa Afgooye ka soconaya kulan ay si wadajir ah u qaadanayaan madaxweyne Farmaajo, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha K/galbeed, saraakiil ciidan iyo sidoo kale shacabka degmadaasi.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Farmaajo tago degmada Afgooye tan iyo markii xilkaasi loo doortay, waxayna ka dhiggan tahay markii Labaad oo uu safar ku tago gobollada dalka, isaga oo dhammadka bishii hore gaarey magaalada Baydhabo.

001 003

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News