U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Lagu Dhaliilay Inuu Hortaagan Yahay Hirgelinta Nidaamka Xisbiyada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka UDAD ee Puntland Saciid Faarax Maxamed ayaa hoggaanka Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Gaas ku dhaliilay inuu hortaagan yahay hirgalinta nidaamka xisbiyada.

Siyaasi Saciid oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in Puntland aan loo diyaarinin nidaamka xisbiyada si looga gudbo in baarlamaanka ay madaxweynaha soo doortaan.

Wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda oo shaqeysa uu diidan yahay madaxweynaha Puntland islamarkaana uu jiro musuq badan.

“Kolleyu waad ujeeddaan in madaxweynaha Puntland iyo xubnaha kale ee maamulka u sarreeya ay diiddan yihiin in nidaamka xisbiyada wax lagu soo doorto, sababtuna waxay tahay waxay waayi doonaan qaabka ay hadda wax ku helaan” ayuu yiri Saciid Faarax.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Puntland UDAD Saciid Faarax ayaan wax ka weydiinnay qorshe baarlamaanka Puntland ay dhowaan wadeen oo ku aaddan in baarlamaanku uu soo magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Waxa uu sheegay in taasi aysan wax isbedal ah ku keeni doonin murannadii siyaasadeed ee soo kala dhexgali jiray madaxweynaha maamulka iyo musharrixiinta oo ku aaddan in guddigaasi uu madaxweynaha magacaabo rag isaga u janjeera.

Goobjoog News