U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas “Puntland Uma Baahna Buuq Iyo Xasarad”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisado maalmahan dambe ka jirey deegaanno ka tirsan maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waxa uu sheegay madaxweyne Gaas, in Puntland aaney hadda u baahneyn Buuq iyo xasarad la kiciyo, balse ay Puntland u baahan tahay isku duubni, nabad iyo horumar waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gaas ayaa tilmaamay in shacabka Puntland laga doonayo haddii ay dhaliil u hayaan maamulka in waddo sax ah ay soo maraan bedalkii ay buuq kicin lahaayeen.

“Puntland uma baahna Buuq, uma baahna xasarad uma baahna mid dan lihi inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay in iyadoo mid ah oo meel u wada jeedda iney danteeda raadsato, waxay Puntland ku hormari kartaa deganaansho, xasilooni iyo nabadgalyo, is qilaaf, xasarad la abuuro, iska horimaad cid gaar ah wax ma yeeleysee Puntland oo dhan ayeey waxyeeleysaa, dadku waa iney la shaqeeyaan dowladda oo laga wada shaqeeyaa horumarka, wixii dhaliil ah ee ay dowladdu leedahayna qaab loo maro oo fariimaha loogu gudbin karo ayaa jira” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dibadbaxyo rabshado watey ayaa Isniintii shalay ahayd ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana dibadbaxyada ay dadku ku dalbanayeen in lasii daayo Nabadoon C/qaadir Xarago, Afhayeenka Isimada Puntland oo ku xiran Boosaaso.

Goobjoog News